Sign in to follow this  
Deeq A.

Afisyooni: Wada Hadalada Doorashada Oo Dib U Furmayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib muddo laba maalin ah oo uu hakad ku jiray shirka hor-u dhaca ah ee arrimahad doorashoyinka waxaa dib u bilaabmaya maanta wadahadalada dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka .

Madaxweeynayaasha dowlad gobaleedyada , Farmaajo , Ra’iisul wasaare Rooble iyo Duqa Muqdisho ayaa la filaya in saacadaha soo socda ay kulamada hor-u dhaca ah ee wadatashiga Doorashooyinka Afisyooni ku yeeshaan.

Shirkan oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka arrimaha doorashada iyo Ajendaha shirweynaha wadatashiga Doorashada ayaa weli madaxda ay isku mari la’yihiin .

Labada dhinac oo cadaadis kala kulmaya beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in ka hor Bisha Ramadan ay heshiis ka gaaran khilaafka .

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this