Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Sudan oo baabi’isay sharci mamnuucayay in xiriir lala yeesho Israel

Recommended Posts

Deeq A.   
Sudan.jpg?resize=620%2C330&ssl=1

Dowladda Sudan oo baabi’say sharci diidayay jiritaanka Israel iyo in wax xiriir ah lala yeesho cid ka tirsan mas’uuliyiinta Israel.

 Golaha Wasiirrada dalka Sudan ayaa ansixiyay baabi’inta qaanuun dalkaasi ka jiray muddo 63 sano ah, kaas oo mamnuucayay xiriir dhexmaro Sudan iyo Israel.

Go’aankan ayaa qayb ka ah hagaajinta xiriir diblamaasi iyo mid ganacsi oo dhex mara Israel iyo Sudan, waxana uu imanaya bilo kaddib marki ay labada dhinac kala saxiixdeen heshiis nabadeed.

Sudan ayaa ku biireysa dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco, kuwaas oo nasakhay sharciyo dalalkooda u diidayay xariir ay la sameeyaan Israel.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Sudan oo baabi’isay sharci mamnuucayay in xiriir lala yeesho Israel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this