Deeq A. Posted April 6, 2021 Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu dib u bilowdo Shirkii u dhexeeyay dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo maalmihii u dambeeyay ka socday xarunta Afisyooni ee Muqdisho. Shirkan oo ay qaban-qaabisa Beesha Caalamku, waxa looga arrinsanayaa ajandaha iyo ka qayb-galka shirka guud ee arrimaha doorashooyinka, kaas oo dhowaan dhexmari doona dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir. Kulamo maalmihii u dambeeyay dhexmaray dhinacyada ayaan wax hormar ah laga samayn kadib markii lagu heshiin waayay ajandaha iyo cidda ka qayb-gelaysa shirka guud ee arrimaha doorashada dalka. Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda dalka cadaadis ku saaraysa in ay si deg deg ah uga heshiiyaan muranka siyaasadeed ee u dhexeeya, si loo qabto doorasho nabdoon oo loo dhanyahay. PUNTLAND POST The post Maxaa ka cusub Shirkii Muqdisho? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites