Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo Muqdisho ku shirisay beelo kasoo horjeeda Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu baahiyey bogga wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa looga warbixiyey kulan wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax uu Muqdisho kula yeeshay odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Jubaland, kuwaas oo cabasho ka ah maamulkooda, sida lagu sharaxay qoraalkan.

“Odayaal dhaqameedka beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas  ayaa u gudbiyay  Wasiirka Wasaaradda cabashooyin  ku aaddan sida ay ku dhisantahay  Dowlad Goboleedka Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkaan in odayaasha iyo siyaasiyiinta la kulmay ay cadeeyeen in aysan ku qanacsaneyn maamulka hadda ka jira Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe, iyagoo dalbaday in Jubbaland laga dhiso maamul la wada leeyahay.

“Waxaa ay caddeeyeeyn in aysan  ku qanacsaneyn  guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana  ay daneynayaan maamul lagu dhiso si wada ogal  ah, damaanad  qaadi  kara  Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar ayaa sida lagu sheegay qoraalkan odayaasha beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubaland ka dhageystay cabashooyinka ay soo gudbiyeen ee la xariira caqabadaha ay ka wajahayaan maamulka Axmed Madoobe.

Maamulka hadda ka arrimiya Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe ayaan laheyn macaamil wanaagsan, waxaana ka dhex jira khilaaf salka ku haya doorashadii u dambeysay ee markiisii 3-aad uu ku soo baxay Axmed Madoobe.

Dowladan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo si adag uga hor timid dib u doorashadii Axmed Madoobe ayaa mar dambe u ogolaatay in si ku meel gaarnimo ah uu Axmed ku sii xukumo Jubbaland, illaa bisha Agosto ee sanadkan, oo haatan ay ka hartay afar bilood.

169471502_1020278035046680_2901210029565 169517521_1020278135046670_3667049508506 169519934_1020278081713342_6189329403414 169538272_1020278608379956_2220641288070 169684797_1020278748379942_1826115182255 169837608_1020278351713315_4971636445087 169848263_1020278248379992_1172327609980 169990012_1020278208379996_7361067863232 170008619_1020278445046639_1873003226152 Jeneraal-mukhtaar.jpg Jeneraal-mukhtaar.jpg1_.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this