Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsada Somaliland Oo Ka Muquurtay Qorshe Ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ku Doonaysay Inay Dhaqaale Ugu Ururiso COVID-19 Iyo Abaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland, ayaa qorsheysay in ay kulan isugu keeno 50 ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka, si ay kula hadasho sidii ay doorkooda dhaqaale uga qaadan lahaayeen Xaaladda is barkan ee Cudurka COVID19-ka iyo Abaaraha.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Somaliland, isla markaana qaban qaabadeeda iyo marti qaadka Ganacsatada loo xil saaray Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi, ayaa waxa lgu marti qaaday ku dhawaad 50 oo ganacsatada waaweyn ah, kuwaas oo lagala hadlayey sidii qaadhaan saddex Milyan ah oo loo qorsheeyey in Tallaal lagu soo iibiyo in laba Milyan oo Dollar ah ugu darsan lahaayeen, hase yeeshee Sida ay Wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyeen Warar xogogaal ah oo ka ag dhow Ganacsatadan, tirro ka yar intii la marti qaaday ayaa kulankaasi tagtay, kuwaas oo dhawr iyo toban lagu qiyaasay, qaarkood hal Shirkad ka wada socdeen.

Qorshahan, Ganacsatada qaarkood ka maquurteen, ayaa la sheegay in loo aanaynayo, qaabka loo marti qaaday oo ahayd mid meeqaan hoose ah oo ay dhalaysadeen, madaama Marti qaadka loogu yeedhay uu ka imid dhinaca Wasiirka diinta iyo Awqaafta, halka qodobka kale ee la aamisan yahay inuu gaabiska Ganacsatadan uu yahay mid la xidhiidha xaaladda dhaqaale ee wakhtigan dalka ka taagan ee iyaga laftooda saameysay.

Xubno ka mid ah Ganacsatada ayaa laga soo xigtay in ay tibaaxeen in loo baahan yahay in Guddi madax bannaan oo ay Ganacsatadu qayb ka yihiin in loo xil saaro arrimaha Qaadhaan ururinta noocan oo kale ah iyo la muujiyo daah-furnaan xisaabeed.

Si kastaba ha ahaatee, waxa in muddo ah saluug laga muujinayey, isla markaana bulshadu dhaliilayeen Qaabkii loo maamulay iyo mad madow la sheegay inuu hadheeyey Qaadhaankii sannadkii hore ganacstadu ururisay ee lagu wareejiyey Guddida ka hortaga COVID19.

Sawiradan hoosta ka muuqdaa, waa kuwii Ganacsatada

  • FB_IMG_1617723316178.jpg
  • FB_IMG_1617723313528.jpg
  • FB_IMG_1617723311080.jpg
  • FB_IMG_1617723306035.jpg
  • FB_IMG_1617723300664.jpg
  • FB_IMG_1617723298202.jpg
  • FB_IMG_1617723292050.jpg
  • FB_IMG_1617723295312.jpg

Wargeyska Saxansaxo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this