Sign in to follow this  
Deeq A.

DP World Oo Wasiirka Ganacsiga Ku Eedaysay In Uu Ganacsatada Kale Uga Xaglinayo Shirkadda Daqiiqda ee Al Wadaniya

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Lagu Wareejiyay Dekeda Magaaladda Berbera ee DP World Ayaa cabasho xoog leh ka muujisay Codsiyo iyo Go’aamo uu wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin uu dul dhigay isaga oo u xaglinaya Shirkadda Soo Saarta Daqiiqda ee Al Wadaniya.

Waxa ay Dp World war qoraal oo ay soo saartay laguna daabacay Shabakadda Somaliland Chronicle ay ku tidhi “DP World waxay xasuusineysaa Wasiirka in cadaaladdu ay quseyso howlaheeda isla markaana aanay kala sooci karin macaamiisha iyada oo u sameynaysa qiimo dhimis Khaas ah macmiil kasta iyo in Shirkadda National Flour Mill ay bixiso khidmadaha Xamaaliinta dekeda ka shaqeeya ee Geele sida macaamiisha kale ee Dekeda Berbera ay isaga bixiyaan.Waa markii ugu horeysay ee Adduunka oo ay shirkaddu ka hawl gasho in aanu warqad ka helno wasiir dalbanaya in debecsanaan loo muujiyo shirkadd gaar loo leeyahay, taas oo khasaare ku ridi karta shirkaddaha kale ee dalka laga leeyahay” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas uu soo saaray agaasimaha DP World ee Berbera Mr. Sanjay Badam

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this