Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo go’aan ka soo saaray Cumrada Ramadaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Cumrada loo ogolaan doono dadka tallaalan oo keliya.

Dadkaas ayaa loo ogolaan doonaa inay gutaan Cumrada ama ay salaad ku tukadaan Masjidka Xaramka, iyo Masjidka Nebiga NNKH.

Wasaaradda ayaa sheegtay in siyaasaddan ay dhaqan-geli doonto bisha Ramadan ee billaabaneysa bartamaha April, hase yeeshee ma cadda inta ay socon doonto.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii Boqor Salmaan uu bishii tagtay beddelay wasiirka Xajka, wax kayar hal sano kadib markii Sacuudia Carabiya ay marti-gelisay tiradii ugu yareyd oo ah dadka ka qeyb-galay Xajka.

Mohammad Benten ayaa waxaa lagu beddelay Essam bin Saeed, sida ku cad digreeto Boqortooyo oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA.

PUNTLAND POST

The post Sacuudiga oo go’aan ka soo saaray Cumrada Ramadaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this