Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad Deg-deg Ah Oo Lagaga Dhawaaqay Gobol Ka Tirsan Dalka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Dowladda Suudaan ayaa xaalad deg deg ah kaga dhawaaqday galbeedka gobolka Darfur kadib dagaal beeleedyo ka dhacay halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof halka kumanaan kale ay ka barakaceen.

Isnintii, Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ugu yaraan 40 qof lagu dilay dagaalka halka in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen kadib uu dagaal dhexmaray laba qowmiyadood oo degan magaalada El Geneina.

Dhawaaqa rasaasta ayaa galabnimadii shalay ahayd laga maqlayay deegaanada u dhaw magaalada, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey waxa ay intaas ku dartay in xiisad ay weli ka taagan tahay magaalada xilli labada dhinac ay ciidan uruursi sameynayaan.

Waxaana hakad galay howlaha gargaarka isla markaana waxaa la hakiyay diyaaridihii gargaarka geyn jiray halkaas tan iyo inta amniga deegaanka laga xaqiijinayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this