Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Afisyooni Oo U Baaqday Sabab Aan La Garaneyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Afisyooni uga socday madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa u baaqday sababa aan la garaneyn , iyada aaney caddeyn waqtiga uu dib u furmayo .

 

Warar ay GoobJoog News ay heshay ayaa sheegaya in uu weli uu maqan yahay madaxweynaha dowlad  gobaleedka Galmudug.

Shirkan maanta oo Talaada ah la filayay in uu dib u furmo , ayaa leysku mari la’yahay Ajendaha, iyada oo dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso in aan la furin Heshiiskii 17 September lagana Amba-qaado Dhuusamareeb 4  ee Arrimaha Guddiga doorashada , Somaliland  iyo Gedo .

 

Dhankooda, dowlad gobaleedyada qaar sida Puntland iyo Jubbaland ayaa ku adkeysanaya in lagu darro Ajendaha Xilka madaxweeynaha ee dhamaaday , Amniga Doorashada .

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this