Deeq A. Posted April 6, 2021 Shirka Afisyooni uga socday madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa u baaqday sababa aan la garaneyn , iyada aaney caddeyn waqtiga uu dib u furmayo . Warar ay GoobJoog News ay heshay ayaa sheegaya in uu weli uu maqan yahay madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug. Shirkan maanta oo Talaada ah la filayay in uu dib u furmo , ayaa leysku mari la’yahay Ajendaha, iyada oo dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso in aan la furin Heshiiskii 17 September lagana Amba-qaado Dhuusamareeb 4 ee Arrimaha Guddiga doorashada , Somaliland iyo Gedo . Dhankooda, dowlad gobaleedyada qaar sida Puntland iyo Jubbaland ayaa ku adkeysanaya in lagu darro Ajendaha Xilka madaxweeynaha ee dhamaaday , Amniga Doorashada . Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites