Deeq A. Posted April 6, 2021 Maanta oo Talaado ah, waxa lagu wadaa in uu dib u bilowdo shirkii u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir. Shirka oo maalmihii u dambeeyay ka socday teendhada Afisyooni ee xayndaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxa looga arrinsanaya ajandaha iyo ka qayb-galka shirka guud ee arrimaha doorashooyinka. Shirka guud arrimaha doorashooyinka oo la filayo in uu dhexmaro dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa la doonaya in lagu xalliyo muran doorashooyinka. Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya cadaadis ku saaraysa in ay heshiis ka gaaraan muranka dhexdooda ah, si loo qabto doorasho loo dhanyahay. PUNTLAND POST The post Shirkii Muqdisho oo maanta dib u bilaabanaya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites