Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka soo Goostay Ciidamada Soomaaliya oo Somaliland Isu soo Dhiibay,Cafisna Dalbaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiil ka soo Goostay Ciidamada Soomaaliya oo Somaliland Isu soo Dhiibay,Cafisna Dalbaday

20210405_203746.jpg?resize=696%2C399&ssl

Saraakiil ka soo goostay Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayay Masuuliyiinta Ciidanka Somaliland ku soo dhaweeyeen Hargeysa, ka dib markii ay ka soo goosteen Soomaaliya.

Saraakiishan oo kala ah; Xiddigle Yuusuf Maxamed Jaamac, laba xiddigle Jaabir Ismaaciil Cismaan, xiddigle Maxamuud Axmed Cali iyo Dable Maxamed Xasan Xaashi, ayaa markii maanta lagu soo dhaweeyey Miiska Saraakiisha Ciidammada Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxay la hadleen warbaahinta, waxaanay ka warrameen sababaha ay u soo goosteen.

Saraakiishan ka soo goostay ciidanka Soomaaliya oo afar Sarkaal ka kooban, ayaa cafis ka dalbaday dowladda iyo dadka Somaliland, iyagoo sheegay inay dembi ka galeen Qarankooda Somaliland oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan, balse ay hadda qaladkoodii hore saxeen oo ay Somaliland uga faa’iidayn doonaan aqoonta ay ku soo barteen dalal dibedeed.

Afartan Sarkaal, ayaa sheegay inay dadka Soomaaliya uga digayaan dhibaatooyin loo maleegayo oo ay iyaga ula muuqatay inaanay qayb ka noqon dhibaatooyinkaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this