Sign in to follow this  
Deeq A.

Seychelles oo ogolaatay dalab ay u dirtay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_1617640174503.jpg?resize=720%2C48Mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Seychelles ay ogolaatay in Xamar loo wareejiyo rag ku xukman burcad-badeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe.

Ogolaanshaha Seychelles ayaa yimid markii Puntland kala hadashay sidii maxaabiistaas loogu waeeejin lahaa Xamar, sida uu sheegay Wasiirka Caddaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid.

“Madaxweyne Deni ayaa amar igu siiyey inaan la xiriiro dawladda Seychelles, gaar ahaan Wasaaradda Caddaaladda aana kala hadlo sidii maxaabiista burcad-badeednimo ku xukman Xamar loogu wareejin lahaa. Waxaa war wanaagsan ah in dawladda Seychelles soo ogolaatay in maxaabiistaas oo tiradoodu dhantahay 15 maxbuus loo wareejiyo Xamar” ayuu yiri Wasiir Xaamid.

Heshiis ay Seychelles iyo Puntland wadagaareen April 2011-kii ayaa dhigayay in maxaabiistan ay xukunkooda ku dhammaystaan xabsiyada Puntland.

Maxaabistan oo ka soo jeeda degaannada Galmudug ayaa Puntland ku wareejin doontaa mas’uuliyiin ka tiran Galmudug oo hadda ku sugan magaalada Garoowe.

PUNTLAND POST





The post Seychelles oo ogolaatay dalab ay u dirtay Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this