Sign in to follow this  
Deeq A.

Faroole oo eedayn u jeediyay maamul goboleedyada taageersan Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa ku eedeeyay dowlad goboleedyada taageersan Villa Somalia, in ay dano dhaqaale ilaashanayaan.

Ex. Madaxweyne Faroole, wuxu sheegay in dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed ay yihiin kuwa dhulkooda inta badan la haysto, islamarkaana aan dakhli ku filan heli karin, sidaas darteedna ay u taageersan yihiin dowladda Federaalka.

Saddex maamul goboleed waa niman dhulkooda inta badan la haysto, magaalooyinka ku hareeraysan waardiye laga hayo, dakhlina aan heli karin” ayuu yiri Faroole.

Sidoo kale, wuxu sheegay in saddexdaas maamul goboleed aysan cidna cudur-daar uga helayn in ay taageeraan nidaam Federaal-diid ah, maadaama iyagu ku dhisan yihiin hannaanka Federaalka dalka.

PUNTLAND POST

The post Faroole oo eedayn u jeediyay maamul goboleedyada taageersan Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this