Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Ka Hadashay Wafti Ka Socda Dalka Zambia Oo Socdaal Ku Yimid Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Caddaaladda dalka Zambia Mr. Gavin Lubinda iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa markii u horreysay socdaal shaqo ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasna waxa Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, u xaqiijiyey Ku-simaha Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah JSL, ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaas Md. Liibaan Yuusuf Cismaan.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa si diiran madaarka Cigaal International Airport ugu soo dhaweeyey Weftiga Wasiirka Caddaaladda ee dalka Zambia Mr. Gavin Lubinda.

Wasiir Liibaan Yuusuf waxa uu tilmaamay in weftiga Wasiirka Zambia ay kulamo yeelan doonaan masuuliyiinta Xukuumadda, iyadoo Salaasadda ee Beri uu la kulmi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,waxaanu tilmaamay in wadajir ay uga wada hadli doonaan iskaashiga iyo masaalixda labada dal.

Wasiirka Caddaaladda ee Zambia waxa uu hore u ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaasi oo ku yaalla koonfurta Qaarada Afrika,  kaasi oo xog ogaal u ah Xaaladda iyo Qaddiyada Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dedaal weyn gelisay inay qaddiyadda JSL dhacsiiso dalalka Midowga Afrika oo xiligan ay koradhay dalalka danaynaya inay wax la qabsadaan Somaliland.

169383339_1380586249008316_5372995177724 169391507_1380586245674983_3205602160380

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this