Deeq A. Posted April 5, 2021 (SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u muujisay boqor Cabdallaha Urdun kadib tallaabada lagu xidhay walaalkii Amiir Xamza bin Xuseen oo lagu eedeeyay in uu qalalaase iyo qas ka abuurayay halkaas. Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yidhi “Soomaaliya waxay taageereysa dhammaan tallaabooyinka iyo go’aanada uu qaaday boqor Cabdalla Bin Xuseen ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida boqortooyada” Amiirka ayaa goor sii horraysay waxa uu shaaciyay laba muuqaal oo uu soo diray kuwaas oo uu ku andacoonayo in xabsi guri la galiyay. Wuxuu ku eedeeyay madaxda Urdun musuq maasuq iyo maamul xumo Source Share this post Link to post Share on other sites