Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar Oo Fursaddii Ugu Dambeysay Siisay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Kulanka ugu dambeeya ee u dhaxeeya Masar, Sudan iyo Itoobiya ee la xidhiidha biyo xidheenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile waa fursaddii ugu dambeysay ee heshiis lagu gaadhi karo kahor inta ayna Itoobiya dib u billaabin buuxinta biyo-xidheenka, waxaa sidaas bayaan ay soo saartay Axaddii ku sheegtay Masar.

Kulanka ayaa Isniintii maanta kusoo geba-geboobaya magaalada Kinshasa.

“Wada-xaajoodyadan waxay ka dhigan yihiin fursaddii ugu dambeysay ee ay tahay in saddexda dal ay ka faa’iideystaan si ay heshiis u gaadhaan…. kahor xilliga daadadka,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Toddbaadkii tegay, madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay inay jiri doonto “xasillooni darro aan la qiyaasi karin oo ka dhacda gobolka,” haddii biyaha Masar ay hesho uu saameeyo biyo-xidheenka.

“Ma jirto cid hal dhibic oo biyo ah ka qaadan karta Masar, cid kasta oo dooneysa inay isku daydana, ha isku daydo,” ayuu yidhi. “Cidna ma qiyaaseyso inay ka fog tahay awoodaheena,” ayuu yidhi Sissi.

Sudan ayaa waxaa hadda xiisad kale oo dhanka xuduudda ah ay kala dhaxeysaa Ethiopia, taasi oo salka ku haysa dhul beereedka gobolka al-Fashqa, waxaana Sabtidii ay dhoola-tus millatari la sameysya Masar.

Hadalka cusub ee Masar kasoo baxay, iyo kuwii uu toddobaadkii tegay jeediyey madaxweyne al-Sissi, ayaa cabsi dagaal gelinaya gobolka, waxaana taxliiliyayaasha siyaasadda ay rumeysan yihiin in haddii wada-hadallada Kinshasa ay guul-darreystaan uu dagaal ka dhici karo gobolka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this