Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay odayaal 64 jir iyo 78 sano jir ah

Recommended Posts

Deeq A.   
shabaab.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay xukun dil ah ku fuliyeen laba nin oo odayaal ah, kuwaas oo ay ku tilmaameen saaxiriin.

Warbaahinta Al-shabaab, ayaa daabacday in labada oday lagu toogtay fagaare ku yaalla degaanka Buulo-fallaay oo ka tirsan Gobolka Baay.

Maxkamadda Al-shabaab oo xukunka ridday, ayaa shaacisay magacyada iyo da’da odayaasha la toogtay, inkastoo aysan sawiradooda baahin.

Labada nin waxay kala ahaayeen Xasanow Caliyow Maxamed oo da’diisu tahay 64-sano jir  iyo Cabdi Ibraahim Sheekh oo da’diisa lagu sheegay  78-sano jir sida laga soo xigtay maxkamadda Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay odayaal 64 jir iyo 78 sano jir ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this