Sign in to follow this  
Deeq A.

Roobabka Gu’ga oo ka curtay Gobolka Doollo ee Dowlad Degaanka DDS

Recommended Posts

Deeq A.   
Waafdhuug.jpg?resize=720%2C405&ssl=1

Roobabka Gu’ga ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay dhul kala duwan oo ka tirsan Gobolka Doollo ee Dowlad Degaanka DDS, halkaas oo abaaro iyo biyo la’aan daran ka jirtay.

Roobabka oo Mir iyo Mayay-ba leh, ayaa sida la sheegayo maaruqay balliga Waaf-dhuug iyo degaanno kale oo ka tirsan degmada Wardheer ee Gobolka Doollo.

Sawirro laga soo qaaday balliga Waaf-dhuug, waxay muujinayan xareed waran iyo rays qoyan oo weli ka muuqda dhulka.

Sidoo kale, waxa sawirka ka muuqda daruur biyaysan oo cirka ku marriiman.

PUNTLAND POST

The post Roobabka Gu’ga oo ka curtay Gobolka Doollo ee Dowlad Degaanka DDS appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this