Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda caafimaadka oo shaacisay kiisas la xairiira Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee xogta COVID-19 ku sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka COVID-19 laga baaray  1176 ruux.

Warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka ee xogta COVID-19 ayaa lagu sheegay in la diiwaan geliyey 160 bukaan cusub oo la nool cudurka COVID-19 , taas oo ka dhigan in weli ay jirto khatarta uu dalkeena ku haayo cudurka safmarka ah ee COVID-19.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay ay  11 qof ay u dhimatay cudurka COVID-19 halka ay ka bogsadeen 65 qof.

Cudurka COVID-19  ayaa u muuqdo mid sii faafaya ayadoo ay jirto in bulshada Soomaaliyeed intooda badan aysan muujineyn taxadarka ka hortaga cudurka COVID-19 , wasaaradda caafimaadka ayaa wado dadaalo lagu wacyi gelinayo bulshada Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this