Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
one-1.jpg?resize=945%2C512&ssl=1

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb Mahmet Yilmaz.

Wasiirka oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa waxay Safiirka ka wada-hadleen dar-dar-gelinta iyo dhammeystirka heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee TEPA, kaas oo ahmiyad weyn u leh kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, ganacsiga iyo maal-gashiga labada wadan sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka.

Dhinacyadu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen dheeli-tirka ganacsiga labada wadan, dhiiri-gelinta iyo kor-u-qaadista wax-dhoofinta iyo in suuqyo ganacsi loo helo wax-soo-saarka Soomaaliya gaar ahaan in dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaliya si toos ah looggu iib geeyo suuqyada wadanka Turkiga.

Wasiir Khaliif Cabdi Cumar, wuxu dowladda Turkiga iyo shacbigeeda ba ku amaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarka iyo dib-u-dhiska wadanka Soomaaliya, waxaana uu rajeeyey in sida ugu dhakhsiyaha badan guul loogga gaadhi doono dhammeystirka heshiiska TEPA ee u dhaxeeya labada wadan maadaama oo muddooyinkii dambe laga shaqeynaayey heshiiskaas.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this