Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin+Sawiro – Howlgalkii Ciidamada PSF ee baacsiga Daacish, 48-dii saac ee lasoo dhaafay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Amaanka Puntland PSF ayaa laba maalin waxay wadeen howlgal xoogan oo ka socdey Buuralayda Gobolka Bari halkaasoo lagu bartilmaamadeysanayay Maleeshiyaadka Xagjirka ah.

Howlgalkaan oo socdey ku dhowaad laba maalmood wuxuu ka dhacay Baraagaha Madaxmadow iyo Buuraha Dhabancado oo ku yaal Buuralayda Calimidkaat, waana markii u horaysay oo Ciidanku ay gaaraan Xudunta ay ku dhuumanayaan Argagixisadu.

Ciidamadu waxay jab xoogan gaarsiiyeen Cadowga iyagoo kala wareegay Sanad iyo Saadba, Dhamaan cunadii keydka u ahayd Argagixisada waa la gubay.

Saraakiisha Ciidanku waxay sheegeen in Howlgalku sii socon doono, mar aan waxka waydiinay dababta loo gubay Saatkii laga qabsadey Argagixisada, Mid kamida saaraakiisha ayaa ku jawaabay

  • “ Ciidamada Amar ayay u haystaan inay gubaan waxwalba oo Argagixisada laga qabsado,Khaasatan Cuntada, waayo waxaa dhici karta in cunada ay Sun ku daraan sidaa awgeed Ciidanka waa laga manuucay inay qaataan.”

Ciidamada waxaa soo gaaray khasaare aan saas u weyneyn, laakiin lama shaacin khasaaraha rasmiga ah, Saraakiishu waxay sheegeen iney ka hadli doonaan Howlgalka Isniinta 5/4.2021.

Ciidamada Puntland bilihii u dambeeyay waxay fuliyeen hoelgalo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish, kuwasoo guulo ay kasoo gaareen Ciidanku.

Hoos kadaawo Sawirada

Taliska Ciidanka Difaaca Puntland oo Puntlandi.com lawadaagay Sawirada waan uga mahadcelinaynaa

Puntlandi.com

04927018-3706-4911-9402-76219D46017A-793 D0318751-1C5D-42BE-A40C-501D04B19AF9-800 A5D587CC-9F73-47BE-B22B-5BE5F7724A3D-800 03CAC29B-6EC5-426D-ABD5-9687DAF153EA-750 6016B8A7-DF5E-447A-843B-1943B7384932-702 A0B75215-4385-4D0A-95C5-42485BE97A5C-800 ED05CF73-4BFE-4B49-8375-B20173607401-791 EB777089-D207-43F7-A3C5-D7D5E6A82E17-800 4C742563-E4BB-4814-84BF-145731E0FC39-800 5E78C2DB-C0A2-4C9C-A9D2-4C1BFDD33A9F-800

The post Faahfaahin+Sawiro – Howlgalkii Ciidamada PSF ee baacsiga Daacish, 48-dii saac ee lasoo dhaafay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this