Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe “ Beesha Hawiye Anaga masiirkooda Matalayna”

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii maanta ayaa Dood xoog badan waxay ka dhalatay qaabka ay Musharixiintu uga qaybgali karaan Shirka Qaybaha la isu diyaarinayso, kadib markii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi uu soo jeediyay in Mudharixiinta boos laga siiyo Miiska Wadahadalka isla markaasna Soomaaliland ay iyana matalaad helaan.

Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Hirshabeele Cali Guudlaawe ayaa hadalka Madaxweyne Deni ka jawaabay iyagoo sheegay in ay iyagu ( Qoorqoor iyo Guudlaawe) ay Matalayaan Beesha Mogadishu Clan sidaas awgeed uusan boos uga banaanayn Musharixiinta Mogadishu Clan ee doonaya inay miiska Wadahadalka Doorashada ay soo fariistaan , laakiin Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ma aysan soo hadal qaadin matalaada Soomaaliland.

Sida ay Howlwadeenada Puntlandi.com ay xogta ku hayaan, Muran xoogan ayaa Arinkaas ka dhashay iyadoo Madaxweynaha Puntland iyo Jubbaland ay ku doodayeen in Gogosha la balaariyo maadaama lasoo dhaafay Xiligii Doorashada ayna waxyaabo badan isbadaleen kadib Heshiiskii Sebtembar 17 keeda.

Waxaa jira warar aan helayno oo sheegaya in Kulanku uu baaqan doono beri oo isniin ah, maadaama Labadii maalmood ee kulanku socdey aysan wax natiijo ah kasoo bixin, iyo waxaa la hadal hayaa in ay caawa akulmaayaan Madasha Badbaado Qaran si Deni iyo Axmed Madoobe ay warbixin ku saabsan meesha wax marayaan ay u siiyaan Madasha, wixii talo ahna ay ka dhagaystaan.

Puntlandi.com Muqdisho

00224E8B-0E46-4C70-9688-396E94324DD6.jpe

The post Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe “ Beesha Mogadishu Clan Anaga masiirkooda Matalayna” appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this