Deeq A. Posted April 4, 2021 Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka fariistay shaqadii dhakhtarnimo iyo siyaasadda oo uu labadaba muddo dheer ku soo jiray. Dr Gaboose oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in uu hadda wixii ka dambeeya ka shaqeyn doono hawlaha samafalka, diinta iyo ka warqabka caruurta. Gaboose ayaa in ka badan 40 sano kamid ahaa dhakhaatiirta ugu fiican Soomaalida ee dhinaca neerfaha, isla muddadaasna siyaasadda ku jiray oo xilal sare ka soo qabtay Somaliland. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Dr Gaboose PUNTLAND POST The post Dr Gaboose oo ka fariistay dhakhtarnimadii iyo siyaasadda appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites