Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Lacagta danabaysan oo la xididay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Xallinta Sicir-bararka u qaabilsan dowladda Puntland, ayaa mar kale go’aamiyay in wixii hal Dollar ka yar la xaddido lacagta  danabaysan, si loo xasiliyo qiime kororka ku yimid adeegyada as’aasiga ah.

Qoraal ka soo baxay Guddiga, ayaa lagu sheegay in Lacagta Shilin Soomaaliga ah aysan weli si buuxda uga shaqayn gudaha Puntland, taasina ay keentay qiime koror ku yimid adeegyada as’aasiga ah ee lagu iibsan jiray Shilinka, marka loo eego lacagta danabaysan.

Guddiga ayaa caddeeyay, in arrintaas ay abuurtay sicir-barar qarsoon, oo u dhexeeya labada lacagood ee Dollarka iyo Shilin Soomaaliga danabaysan, maadaama Shilin Soomaaliga lagu daray nidaamka lacagaha la isu’diro.

Guddigu waxay sheegeen, in ay kulan la qaateen wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo shirkadaha Isgaarsiinta, si loo xasiliyo qiima kororka ku yimid sicirka adeegyada as’aasiga ah, sidaas darteedna la xaddiday lacagta  danabaysan wixi $1 Dollar ka yar.

Puntland post

Cabdiraxmaan Ciise

The post Puntland: Lacagta danabaysan oo la xididay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this