Deeq A. Posted April 4, 2021 Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Abdi Sheikh oo ay ka wada hadleeyn dar-dargalinta dakhliga qeybaha Isgaarsiinta dalka. “Waxa aan maanta kulan muhiim ah Xafiiskayga kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Abdi Sheikh oo aan ka wada hadalnay dar-dargelinta dakhliga qeybaha Isgaarsiinta dalka, Waxaana naga go’an in aan horumarino wax soo saarka iyo fikradaha cusub ee wax tarka u leh dadkeena iyo dalkeena”. ayuu yiri Wasiir Beileh Sidookale Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah u leeyihiin isku xirka bulshada Hey’adaha Isgaarsiinta dalka kobcinta dhaqaalaha iyo sare uqaadidda Dakhliga gudaha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites