Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad badan oo cudurka Covid-19 ugu dhintay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdirixmaan Cali Diiriye Isxal ayaa sheegay in dadka uu soo ritay Covid-19 ay u dhimanayaan Oxygeen la’aan baahsan oo ka jirta gobolka.

Cali Diiriye ayaa ka deyriyey xaaladda cafimaad ee bulshada ku dhaqan gobolka oo uu sheegay in aysan heli karin Oxygeen ku filan , inkastoo uu xusay inay jiraan isbitaalo yaryar oo isku dayaya in ay la tacaalaan xaalada Covid-19 ee ka jirta Gobolka.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in qeybo badan oo gobolka ah ay ka taagantahay xaalad abaareed oo baahsan , waxaana uu u xusay in ay wadaan dadaalo ayaga oo kaashanayo shacabka , isla markaana ay meelaha qaar ka sameynayaan biyo dhaamin.

Covid-19 oo ah cudur si deg deg ah ku faafo ayaa dhibaato lixaad leh ku haayo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka iyo Magaalda Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this