Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka ka socda Afisyooni oo galay maaalintii labaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka wada-tashiga ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ka socda Teendhada Afisyooni ee M/Muqdisho.

Intisa badan waxaa shirkan diiradda lagu soo saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Wararka ayaa sheegaya in maanta madaxda Soomaaliyeed ay warbixin ka dhageysan doonaan guddiga farsamada ee shirarka kusoo yeeshay magaalada Baydhabo, kuwaas oo talooyin ka bixinaya sida looga gudbi karo caqabadaha hareeyey doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, waxaana weli la’isku hayaa hannaanka doorashada dalka ka dhaceysa sanadkan 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this