Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo kordhay Shirkii Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho, waxa maalintii labaad ka socda shir u dhexeeya dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka socda xarunta Afisyooni, waxa ka qayb-galaya madaxda dowladda Federaalka, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan oo Albaabadu u xiran yihiin waxa looga arrinsanaya ajandaha Shirka guud ee Arrimaha doorashooyinka dalka kaas oo la filayo in uu dhexmaro dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si ay heshiis uga gaaraan murana doorashooyinka.

Wararkii u dambeeyay ee shirka laga helayo waxay sheegayaan in aysan weli jirin wax la isku af-gartay islamarkaana laga doodayo Ajandaha shirka guud iyo cidda ka qayb-gelaysa.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka soo kordhay Shirkii Muqdisho? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this