Sign in to follow this  
Deeq A.

Afisyooni: Shirka Doorashooyinka Oo Maalintii Labaad Socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maalintii labaad teedha ku taalla Xarunta tababarka Ciidamada Cirka Soomaaliyeed shir uga soconaya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka.

 

Shirkan oo ay madaxda Shanyta dowlad gobaleed , Farmaajo , Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maamulka gobalka Banaadir u socda ayaa looga hadlaya sidii loo xalin lahaa khilaafaadka Hareeyay doorashooyinka .

Kulanka madaxda oo ay saxaafadda dibad joog ka tahay ayaa waxa uu yahay mid gogol xaar u ah shir weeyn oo ay madaxda maalmaha soo aaddan yeelan doonaan.

 

Ajendayaasha kulanka looga hadlaya ayaana waxaa qeyb ka ah Sidii loo xalin lahaa Khilaafka Doorashooyinka, Arrinta Gobalka Gedo, Arrinta Guddiyada Doorashooyinka  iyo Cidda Soo magacaabeysa xubnaha guddiga doorashooyinka Somaliland .

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this