Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo baaq deg deg ah u diray dadka Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaasi kulul uga hadlay qarixii xalay ka dhacay degmada Shangaani, kaas oo ka dhacay maqaayad ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah, una badan dhalinyaro.

Cumar Filish ayaa marka hore tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad.

“Anigoo ku hadlaayo Magaceeyga, kan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar waxaan tacsi tiiraanya leh u dirayaa Qoysaskii iyo Ehelkii ay ka baxeen Walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday falkii Bahalnimada ahaa oo ay argagixisada ka geesteen goob ay bulshada isugu yimaadaan oo kutaala degmada Shangaani, waxaan sidoo kale caafimaad deg deg ah Alla uga baryaaya in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay Musiibadaasi,” ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ugu baaqay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in loo midoobo dagaalka adag ee lagula jiro Xarakada Al-Shabaab.

“Waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay ku fashilmeen in ay kusoo gambadaan Diinta Islaamka oo ah mid Suuban oo Naxariis badan, Argagixisada waxa ay si bareer ah uga soo horjeedaan nolasha iyo horumarka Umada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolka Banaadir in si Wadajir meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Cadowga,” ayuu markale sii raaciyey.

Weerarkii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayad ku taalla degmada Shangaani ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 6 qof oo uu ku jiro is-miidamiyihii qaraxa fuliyey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this