Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo la wareegay deegaanno hoostaga Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanno dhaca koonfurta magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Waxay intaas ku dareen in ciidamada ay ku raad joogaan kooxihii weerarka shaley ka fuliyay deegaannada dhaca koonfurta magaalada.

Shaley ayay aheyd markii kolonyo milatariga Soomaaliya ka tirsan oo maraysay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu qaaday weerar dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamo ka tirsan milatariga iyo xoogaga Al-Shabaab ayaa ku dagaallamay deegaanka Sinadhaqo oo Koonfur uga beegan Dhuusamareeb.

Illo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan qaybta 21-aad lagu dilay dagaalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this