Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo la wareegay deegaano hoostaga Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa maanta la wareegay deegaano ku yaalla koonfurta magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dagaal kadib ay qabsadeen deegaanada Sinadhaqo iyo Labi-dulle ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay la wareegeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, ayna kasoo furteen saanad ciidan iyo hub, sida ay hadalka u dhigeen.

Milatariga Soomaaliya ayaa haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada duleedka Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkii shalay ka dhacay halkaasi.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal qarxo, madaama ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Shalay ayey aheyd markii dagaal ka dhacay duleedka caasimada Glamudug ee Dhuusamareeb, lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this