Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ogolaatay in ay wareejiso maxaabiis Burcad-badeed ah oo ku xiran Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa si rasmiya u ogolaatay in ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiso Rag ku xukman Burcad-badeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe.

23 November 2020 xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo Garoowe yimid, ayaa ka dalbaday  Puntland in loo sii daayo Xukmanayaashan oo ka soo jeeda Galmudug, balse Puntland way diiday codsigooda, inkastoo ay ogolaatay in Muqdisho loo wareejiyo, haddii dowladda Federaalku aqbasho.

Puntland waxay markaas sheegtay, in aysan awood u lahayn sii daynta Raggan oo iyagoo xukman lagu wareejiyay, kadib heshiis 21 April 2011-kii dhexmaray Puntland iyo jasiiradda Seychelles, kaas oo dhigayay in maxaabiistu ay xukunkooda ku dhammaystaan xabsiyada Puntland

2-dii bishan April 2021, mar kale waxa Garoowe yimid xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, kuwaas oo mas’uuliyiinta Puntland u sheegay in dowladda Federaalku aqbashay, in ay la wareegto maxaabiistan, waxaana Puntland sidaas ku ogolaatay in Xukmanayaasha loo wareejiyo Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ogolaatay in ay wareejiso maxaabiis Burcad-badeed ah oo ku xiran Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this