Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhuusamareeb: Milateriga Soomaaliya oo la wareegay fariisimo Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
20210404_102843.jpg?resize=720%2C521&ssl

Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in ay la waregeen fariisimo ay Al-shabaab ku lahayd degaano dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in fariisimaha ay Al-shabaab kala wareegeen ay kamid ah yihiin Sinadhaqo iyo Labi-dulle oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Howlgalkan waxaa hoggaaminayay Gen. Mascuud Maxamed Warsame oo ah taliyaha guutada 15-aad, qaybta 21-aad ee ciidanka milateriga Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa ka arrimiya degaano badan oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Dhuusamareeb: Milateriga Soomaaliya oo la wareegay fariisimo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this