Deeq A. Posted April 3, 2021 Shirkii Wadatashiga Doorashada ee u dhexeeyey Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa kusoo dhamaadey guul la’aan, wax heshiisa oo laga gaaray Ajandaha la dajinayay ma jiraan. Shirka ayaa u muuqdey mid u dhexeeya Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland halka raga kale ay ahaayeen kuwo aan saameyn weyn ku lahayn kulanka maanta. Sida Puntlandi.com Xogta ku hayaan Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isweydaarsadey hadana kulul, iyadoo Madaxweyne Deni sidoo kale uu ku hadlay hadalo kulul. Xogtu waxay kaloo sheegaysaa in Xubnaha Madaxweyne Farmaajo hogaaminayo Qoorqoor, Laftagareen iyo Cali Guudlaawe aysan si fiican kulanka uga muuqan. Waxaa maanta kulanku kusoo dhamaadey iyadoo oo u muuqdo in wali afka la osu buurayi, wax natiijo la taaban karaan kama soo bixin, waxaa hada labalamau in la iskusoo laabto beri. Wararka aan helayno, Wali Madaxweyne Farmaajo wuu ka warwareegayaa in meel la isla dhigo Qodobada Muhiimka ah ee la doonayo in lagu lafaguro Shirweynaha, Madaxweyne Axmed Madoobe isna wuxuu muujiyay inuusan wali ka fulin qodobkii Gobolka Gedo. Puntlandi.com Muqdisho The post Shirkii oo guul la’aan kusoo dhamaadey, berina la balamay appeared first on . Source Share this post Link to post Share on other sites