Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisbo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16174702908763447.jpg?resize=720%

Qarax ismiidaamin ah ayaa caawa fiidkii ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Qof walxaha qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taalla barxada 5-ta geed ee agagaarka saldhiga booliiska degmada Shangaani.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 6 qof oo ku jiro qofkii ismiidaamiyay, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 5 qof, kuwaas oo hadda lagu daaweynayo cisbitaallada Muqdisho.

Dadka qaraxa ku dhintay oo u badan dhallinyaro waxaa ku jira ilmo yar, sida ay xaqiijiyeen booliska Soomaaliya.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ismiidaaminta ah ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dhowr jeer oo hore ayaa magaaalda Muqdisho qaraxyo lala eegtay maqaaxiyo ay ku caweynayeen dad rayid ah oo dhallinyaro u badan.

PUNTLAND POST




The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisbo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this