Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta isasoo horfariistay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu maanta hor fariistay labada Nin ee ay isku hayaan Siyaasada Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kulankaasoo aan ku imaan rabitaankooda, Waxaa miiska soo wada fariisiyay Beesha Caalamka.

Kulanka Masuuliyiintu ay maanta Ku leeyihiin Afisyooni ayaa ah mid ka xiiso badan Kulamadii hore, Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo horey dhowr jeer u eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa aad loo eegayaa qaabka ay isu qaabili doonaan ugana wada xaajoon doonaan Arimaha horyaal.

Kulankaan wuxuu kaloo uga duwan yahay Kulamadii hore, waxaa Gogosha dhigay Beesha Caalamka iyagaana balan qaadey hirgalinta waxyaabaha lagu heshiiyo, waxaana la wada sugaya qaabka ay u dhaqmi doonaan Madaxda Soomaalidu.

Puntlandi.com Muqdisho

C3A79739-49ED-42ED-8DE5-869F5C64D1FA-800

The post Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta isasoo horfariistay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this