Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyada Al-shabaab oo weerartay Deegaano ka tirsan Galgaduud, Dagaal ka socda halkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo qura waa markii Sadexaad oo Maleeshiyada Al-shabaab ay Dagaal ku qaadaan deegaano aysan iyagu ka talin, Gobolka Shabeelaha hoose ayay saaka dhow meelood kala wareegeen Ciidamada Dowlada.

Wararka hada kanimaanaya Galmudug waxay sheegayaan in Dagaal iminka socdo Deegaanka Sinaa-dhaqo oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Khasaaraha rasmiga ah lama oga ilaaa hada, noocaan suura galin inaan la xiriirno Shacabka degan Deegaanadaas balse Wariye ku sugan Dhuusamareeb wuxuu xaqiijiyey in Dagaalku ii wali socdo mana jiraan Ciidamo Gurmad ah oo halkaas aadey.

Sawirkaan hoose waa Deegaanka SinaDhaqo oo 3 bil ka hor ay booqdeen Saraakiil ka tirsan Galmudug

Puntlandi.Com Dhuusamareeb

F9D30B3F-7683-4AF4-8D91-0F6C373B42D1.jpe

The post Maleeshiyada Al-shabaab oo weerartay Deegaano ka tirsan Galgaduud, Dagaal ka socda halkaas appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this