Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka golaha wada-tashiga qaran ee doorashada oo ka furmay Afisyooni

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Warfaafinta X.F.S Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin Ka bixiyay furitaanka shirkan oo uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa markii horreysay ka qeyb-galaya Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo iyagu si weyn uga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Si kastaba shirkan ayaa daba socda kulamo dhowr ahaa oo maalmo ka hor ka qabsoomay Afisiyooni kaas oo looga arrinsanayay qabsoomidda doorasho la isla ogol yahay, oo ay ku wada qanacsan yihiin dhamaan Umadda Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this