Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo qabatay rag dhaawac iyo dhac ka geystay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada booliska gobalka Bari ayaa ku guleestay in ay gacanyta ku soo dhigaan dadkii dhaca iyo dhaawaca u geestay qof shacab ah magalada Bosaaso kadib markii garigaas ay ula baxsadeen duleedka magaaladaasi.

Tan iyo markii lagu soo wargaliyay Booliska Gobalka waxay bilaabeen howlagalo lagu raadinaayo kuwa dhaca u geestay qofka shacabka ah oo ku shaqesanayay gariga loyaqaan (Probox)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay ku guuleysteen gaariga la soo dhacay oo ahaa nooca Probox, NO1482 kana diwaan gashana Dowlada Hoose Bosaaso iyo waliba Ciidmaada ay gacanta ku soo dhigeen labo dhalinyaro kuwaas oo hada gacanta ugu jira lamaha amaanka Gobalka Bari.

Goobta Gaariga ay ku soo bandhigayeen Booliska waxaa goob joog ka ahaa ehelada wiilka gaariga laga dhacay islamarkana ay dhaawaca xabada ay u geesteen kuwa falkaas sameeyay.

Ugu dambeyn taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud waxa uu hoosta ka xariiqay in aan qof shacab lagu xadgudbi karin hantidiisa taasna ay tahay astaanta ay ciidamada u taagan yihiin.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this