Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanada Ceeldheere iyo Sina-dhaqo ayaa yimid, kadib markii ciidamada huwanta ay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka bilaabeen halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi daraya in dagaalkaasi lagu dilay Dhamme Sayid Bicir oo ahaa Abaanduulihii ururka 71-aad, guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ee ciidanka Xoogga.

Dhinaca kale saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhankooda ay dileen ugu yaraan 3xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana howl-gallo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this