Deeq A. Posted April 3, 2021 Waxaa goordhaw xerada Tababarka Ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisiyooni ka furmay shirka wadatashiga dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka . Shirka ayaa waxaa soo xaadiray dhamaan Madaxda Dowlad gobaleedyada dalka , Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble iyo Maamulka Gobalka Banaadir . Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo horay u diiday ka qeyb galka shirar Villa Soomaaliya ay ku baaqday ayaa maanta soo xaadiray Shirka oo ay qaban qaabadiisa leedahay Beesha Caalamka . Shirkan ayaa looga hadlaya sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka Arrimaha Doorashooyinka dalka . Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites