Sign in to follow this  
Deeq A.

Odowaa oo ka hadlay dagaalladii saaka ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa faah faahin ka bixiyey dagaallo saaka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Oodowaa ayaa shaaca ka qaaday  in la fashiliyey weeraro ay Al-Shabaa saaka waabarigii hore ku aadeen deegaanada Bariire iyo Awdheegle oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in raggii weeraradaasi soo qaaday la gaarsiiyay jab xoogan,isla-markaana ay halkaasi kaga tageen meydad iyo qalab kale.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in haatan xaaladdu ay degan tahay, isla-markaana ciidamada Xoogga ay how-gallo ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose K/Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this