Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo guullo ka sheegatay dagaalladii ka dhacay Bariire iyo Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Genaral Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa ka hadlay weeraro ku billowday qaraxyo iyo dagaalllo xigay oo saaka aroortii hore ka dhacay deegaanada Bariire iyo Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Biixi ayaa shaaciyey in ciidamada dowladda ay ka hortageen weeraro ay dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanadaasi, isaga oo xusay in khaaare lixaad leh la gaarsiiyey raggii weerarka soo qaaday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in 45 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay dagaallada ka kala dhacay Bariire iyo Awdheegle, sidoo kalena tiro intaasi ka badan dhaawacyo culus la gaarsiiyey.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in deegaanadii lagu dagaallamay ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana howl-gallo ay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this