Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo saaka ka dhacay Awdheegle iyo Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayao gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in xoogagga Al-Shabaab subaxnimadii hore ee saakay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin qeybo badan oo ka mid ah gobolkaasi.

Weerarkan oo ka dhacay Adheegle iyo Bariire ayeey dagaalyahannada Al-Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Dad ku sugan deegaannada uu weerarkan ka dhacay ayaa sheegay in salaada subax kaddib ”Aroornimadii saakay” maqleen qaraxyo waaweyn oo lagu bilaabay weerarkan iyadoo intaa kaddibna labada dhinac is weydaarsadeen rasaas culus.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan saakay Al-shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellaha Hoose, hasse ahaatee weerar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiisha dowladda ee gobolka Shabeellaha hoose wali kama aysan hadlin weerarkan, laakiin war ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkan ay fuliyeen dagaalyahanno iyaga ka tirsan islamarkaana khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this