Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday ciidamada dowlada ee ku sugan Shabeelah Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saaka dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab uu ka dhacay degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Awdheegle iyo degaanka Bariire ee Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa ku warramay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayna maqlayeen jugta Qaraxyo iyo rasaas daba socotay, isla markaana uu jiro khasaaro kala duwan, wallow aysan xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in saaka weerar ku bilowday Qaraxyo ay dagaallamayaasha Al-shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee Awdheegle iyo Bariire, ayna la wareegeen gacan ku heynta Saldhigyada.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday ciidamada dowlada ee ku sugan Shabeelah Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this