Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeeyay ee Shirka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa, in uu xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka furmo shir hordhac ah oo u dhexeeya dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ay qaban-qaabisay Beesha Caalamka, waxa ka qayb-galaya madaxda dowladda Federaalka, madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka oo aan rasmi ahayn waxa looga hadlayaa diyaarinta Ajandaha Shirka guud ee ku saabsan Arrimaha doorashooyinka dalka, kaas oo dhexmari doona dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhinacyada siyaasadda Soomaaliya waxay ku cadaadinayaan in heshiis buuxa ay ka gaaraan khilaafka weli kajira Arrimaha doorashooyinka si ay u dhacdo doorasho la isla ogol yahay.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u dambeeyay ee Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this