Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin Qabanqaabada Shirka Beri ka furmaya Afisyooni

Recommended Posts

Deeq A.   

Beri waxaa Afisyooni ka furmaya Shir gaaban oo looga arinsanayo Ajandaha Shirwaynaha Wadatashiga Doorashada, Shirkaan waxaa kasoo qaybgalayaasha ku casumay Beesha Caalamka kadib markii Puntland iyo Jubbaland ay shaaciyeen in Shirku ka bilaaban la’yahay Madaxweyne Farmaajo.

Amaanka Shirka waxaa gacanta ku haya Amisom, inkastoo maanta muran yar ka dhashay qaabka loo maaraynayo Ciidamada dharcadka ah ee Gudaha lasoo galaya Madaxweynayaasha, Agaasimaha Amaanka Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku adkeystay in Ciidamada la socda Madaxwwynaja ay hub lasoo galayaan Gudaha Hoolka balse taas waxaa is hortaagay Agaasimayaasha Amaanka Madaxtooyooyinka Jubbaland iyo Puntland, waxayna ku adkeysteen in Amaanka loo daayo Amisom.

Waxaa aakhirkii lagu heshiiyay in Madaxweyne walbaa uu soo raaco tiro go’an oo Ciidamada dharcadka ah, Ciidamada kale ee la socda Madaxda waxaa loo sameeyey goobo aysan soo dhaafi karin.

Xogta ay Puntlandi.com hayaan, Kulanka Beesha Caalamku Way ka qayb galayaan Laakiin wali lama cadeyn inay furitaanka hore ka qayb galayaan iyo in marka hore ay shirayaan Soomaalida oo qura, Warar waxaa jira sheegaya in Madaxda Soomaalida oo qura ay marka hore ka wada xaajoonayaa Ajandaha Shirweynaha, kadibna ay Beesha Caalamku soo fariisan doonto.

Laakiin waxaa la xaqiijiyay in kulankaan uusan ahayn Kulamadii hore oo kale, Beesha Caalamka ayaa isu keentay Ragaan iyagaana gacanta ku haynaya, Kii isku daya inuu wadada ka leexdando ama wax kale la yimaada iyagaa jeegada soo qabanaya.

Kala soco Puntlandi.com xogta rasmiga ah ee Shirka Sabtida 3 April,2021.

Puntlandi.com

A2E3A683-833B-45E9-890F-CDBA64DE037B-754

The post Faahfaahin Qabanqaabada Shirka Beri ka furmaya Afisyooni appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this