Sign in to follow this  
Deeq A.

James iyo Sidney oo dacwad ka gudbiyey Madaxweynihii hore Maraykanka Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimadda Online) – Waxaa la diiwaan galiyay dacwad ka dhan ah madaxweynahii hore Mareykanka Donald Trump, warbaahina ayaa sheegtay in laba sarkaal oo ka tirsan booliska xarunta Congress-ka ee Capitol Hill ay tallaabadaas qaadeen.

Labadaan sarkaal waxey Donald Trump oo doorashada looga adkaaday ku sheegeen inuu huriyay weerarkii dhimashada sababay ee 6-dii January 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka ee Capitol Hill.

Sidoo kale waxey gal dacwadeedka ku sheegeen in Donald uu mas’uul ka ahaa dhaawac jir iyo mid maskaxeed oo kasoo gaaray weerarka.

James Blassingame, oo 17 sano ka tirsanaa booliska, iyo Sidney Hemby oo 11 sano ka mid ah aheyd, ayaa dacwaddan ka diiwaan geliyey Maxkamadda Mareykanka ee qeybta degmada DC, ayaga oo raadinaya madghow gaaraya ugu yaraan $75,000 midkiiba.

Donald Trump wuxuu hadlay ka hor doorashadii dhacday 3-dii Novmber iyo kadib, taas ayaana la leeyahay waxey noqoneysaa qiilka dacwadda.

Waxaa dacwadda lagu sheegay in Trump uu hurinayey rabshado intii lagu guda jiray ololihii doorashada madaxweyne ee 2020, sidoo kalana uu xoojiyey beentiisa ah in doorashada lagu shubtay, kadib markii uu guuldaro kala kulmay Joe Biden.

Trump horey ayuu beeniyey inuu mas’uul ka ahaa dibad-baxyadii lagu galay xarunta oo ay ku dhinteen shan qof oo uu ku jiro sarkaal boolis, balse waxaa lasoo warinayaa hadda in dacwad laga gudbiyay, taasoo la sugi doona waxa kale ee xigi doon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this